Hordhac kooban ee kacaanka warshadaha caalamka|
kacaankii warshadaha, waxa uu ahaa kacdoon hor-leh oo muddo badan uu aadmiga u baahi qabay. waxa uuna bilowday qarnigii 18aad, waddanka ingiriiska, kadib ne yurub oo dhan ayuu sii gaaray, ugu danbeyn dhammaan daafaha dunida ayuu ku faafay. waxa uu ahaa kacdoon lagaga guuraayay wax-soosaarkii gacanta aadmiga, loona guuraayay wax soosaarka mashiinka, middaa oo fududeyneyso in uu aadmiga ka nasto howlaha-qaar, muddo koobanne howlahiisa uu mashiin qabto, wax soosaarkana uu si weyn u xoogeysto.
sababaha ugu weynaa ee keenay in kacdoonka warshadaha uu ka bilowdo ingiriiska, waxaa kamid ahaa, kacaankii beeraha, awoodda dhuxusha, badda iyo jawi siyaasadeed oo wanaagsanaa oo soo dhaweynaayay aragtiyooyinka cusub. waxaana halkaa ka dhashay in tallaabooyin aqooneed iyo mid fikir horey loo qaado. is-baddelkaan uu aadmiga cagta saaray, waxa uu koror ku sameeyay baahida ay mashiinada u qabaan tamar dheeri ah, sidaa darteed tamarta laga dhaliyo dhuxusha iyo uumiga ayaa qarnigii 19aad si weyn loo adeegsaday. halka qarnigii 20aad la helay koronto suurtogelisay in si buuxda ay u shaqeeyaan waxyaabaha dhaq-dhaqaaqo, iyo kor u qaadista waxsoosaarka ku xiran baahida tamarta.
kacaankii warshadaha, waxuu uu summad u ahaa is-baddel weyn uu aadmiga sameeyay, oo taariikhi ah. dhinac kasto oo bulshada kamid ah ayuu si uun u saameeyay. gaar ahaan, aadmigu waxa uu loolan u galay sida uu kordhin lahaa dakhliga soo galo, maadaama hab nololeedkii uu is-baddel ku yimid.
Heerarka Oo Soomaray Kacaankii Warshadaha
kacaankii warshadaha waxa uu soo maray afar heer oo kala geddisan, waxa ayna kala ahaayeen kacdoonkii koowaad ee warshadaha, waxa uu ahaa qarnigii 18aad, waxaana la hal-abuuray mashiinka uumiyeed, si wax loo soo saaro loogana faa’ideysto. thomas newcomen, ayaa 1712 hal’abuuray mashiin uumiyeedkii ugu horreyay ee la adeegsado, waxa uuna mashiinka biyaha ka soo nuugaayay ama ka soo tuuraayay gododka hoose ee dhuxul-dhagaxa¹, lakabyada hoose ee dhulka. balse, 1776 ayaa james watt, waxa uu sameeyay mashiin uumiyeed, kuna dul shaqeynaayo gododka hoose ee lakabyada dhulka.
mashiinkaan cusub, waxa uu ahaa mid ka awood badan, kana waxtar badan midkii horay u jiray sidoo kale ka badan dhanka soosaarista kulka. waxaana si weyn u adeegsaday, warshadda dharka iyo biraha soo saarayay. warshadda dharka soo saarto waxa ay aheyd, warshaddii ugu howlaha badneed, uguna shaqaalo badneed marka loo eego warshadaha kale, sababtuna waxa ay aheyd in duubidda-dunta oo dumarka iyo caruurta ba ay ka qeyb qaateen, weliba ay awood u lahaayeen in ay dunta duubaan, kahor inta aan la warshadeyn, weliba ayaga oo guryahooda joogo.
kacdoonkii labaada ee warshadaha qarnigii 19aad.
kacdoonkii labaada ee warshadaha, waxa uu ahaa qarnigii 19aad waxa uuna ahaa heerkii looga guuraayay tamarta uumiga loona guuraayay tamarta korontada(electricity), waxaana horumarin lagu sii sameeyay dhammaan mashiinadii horaan la adeegsanaayay. waxa uuna kacdoonkaan horseeday koror weyn iyo isbaddel ku yimid bulshada. dunida caalamka oo qarnigii 19aad, u gudubtay adeegsiga korontada, hadane ayadoo qarnigii 21-aad lagu jiro dalkeenna soomaaliya waxaa jiraan deegaanno aan heysan koronto baahidooda dhameystiri karto. tamar waa ay jirtaa oo ileyska ayaa badi la adeegsadaa, hadane baahiyaha deegaanadaas ma ahan mid dabbooli karto.
kacdoonkii saddexaad ee warshadaha qarnigii 20aad
kacdoonkii saddexaad ee warshadaha, waxa uu ahaa qarnigii 20aad. waxaa si weyn baahi looga qabay sidii la isuga xiri lahaa kombuyuutaradda, waxaana awood loo yeeshay dabayaaqadii qarnigii 20aad, in farriin la isu mariyo internet-ka.tim berners lee, ayaa suurtogeliyay in la helo internetka, sanadkii 1990-kii. internet-ku, waxa uuna in badan bulshada ka caawiya, fududeeyay xiriirka xafiisyada ee shaqadu ka dhaxeyso, xiriirka dowladaha, waxbarashada iyo xiriirka bulshada oo sii xoogeystay.
kacdoonkii afaraad ee warshadaha teknoolajiyadda casriga.
hadda bilowga ah, uu aadmiga hardanka kula jiro sidii uu ku soo saari lahaa wax-cusub, aadanahana wax-tar u leh, iyo sidii uu aadmiga gebi ahaan howlaha ugu nasan lahaa, howlahana mashiinno u qaban lahaayeen. waana kacdoonka loo baahan yahay in qof walbo oo xirfadle ah uu ka qeyb qaato sidii uu wax uun ugu soo biirin lahaa.
kacdoonkii warshadaha ee somaliya
haddii aan dib ugu noqonno sanadkii 1800, qof walba wuxuu ahaa sabool, waxa aan ula jeedaa kacaankii warshadaha ayaa bilowday, kadib waddamo badan ayaa ka fa’iideystay kana baxayn heerka saboolnimada, laakiin si kasta oo ay tahay cid walbaa ma ay gaadhin fa’iidadu. nasiib wanaag kacdoonka warshadaha somaliya waxay soo gaartay sanadkii [1919], waxaa la sameeyay wershadda sonkorta ee jawhar oo hormuud ka ahaay dalka talyaani. Dunida iyo somaliya marka ay halgan kula jireen kacdoonka warshadaha oo ay isbaddello waaweyn socdeen soomaaliya marka ay xornimada qaadatay waxay horumarisay warshadaha wax-soosaarid, muddo kooban ayaa soomaaliya laga yegleelay warshado tiro-badan oo wax-soosaar heer saro leh. nasiib-darro, dabayaaqadii qarnigii tagay [1991], marka uu adduunka u guuraayay, isku-xirka kombuyuutarka ayadoo farriimo la isu marinaayo internet-ka, soomaaliya waxa ay iska bur-burisay warshadihii wax-soosaarka heerkii koowaad ee kacaanka warshadaha. hadda oo aan ku jirno qarnigii 21aad, waxa aan warshadahii tirada badnaa ee soomaaliya laga dhisay ka heysanna, liiska magacyadooda, goobaha loo bixiyay iyo halkaa ayay ku taalay warshad heblaa uun!
qaybta labaad waxa ugu hadal doona taarikhda warshadaha somaliya burburka ka hor warshadahii tirada badnaa ee soomaaliya laga dhisay iyo kuwa hada shaqeyo ee cusub.
waxa ku soo jeedi lahaay in wax ka ogaadid qeybaha kala duwan ee warshadaha https://wax-soosaar.com/warshadah/