Dalagyada Dalka
Dalagyada beeraha waxay door muhiim ah ka ciyaaraan nidaamka cuntada iyo dhaqaalaha wadanka, fahamka wax soo saarkooda iyo maamulkooda ayaa muhiim u ah hubinta sugnaanta cuntada iyo horumar waara. Miraha, qudradda iyo firileyduba waxa ay door muhim ah ka qaataan nolosha bulshada. Sidoo kale, waxa ay abuuraan fursad dhoofineed oo in badan sii jirta. Soomaaliya oo ah waddan wax soosaar, waxaa uu ku suntanyahay wax soosaarka dalagyo badan tan iyo inta la ogyahay in halkan ummadi ku nooleyd. Dhul marihii weynaa ee Ibnu Batuta (1331) ayan sheegay kolkii uu magaalada Muqdisho ku soo degay in cuntadii lagu marti sooray ay ahaayeen qudrad iyo mira aad u macaan. Sidoo kale Ibnu Batuta waxa uu tibaaxay in maalmahaas bariis lagu soosaray. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha dalagyada caalamka qaarkood ay ka soo jeedaan, sida Vavilov ku warramayo. Dhulka Soomaaliya sida ay uga kala baxaan dalagyadu waa ay ku kala duwanyihiin; galleyda, haruurka (mesegada) iyo digirtu waxa ay ku badanyihiin dhulka roob-sugaalka ah (rainfed), halka qudaarta iyo gee miroodku aad kaga baxaan dhulka waraabka ah (irrigated).
Cilmibaarisyadii lagu sameeye digirta, salbukada,mesegada iyo galleeyda
Digirta laba jaad oo waaweyn ayaa aad looga beertaa waddanka gudihiisa; digir guduud (cow pea) iyo salbuko (mung pea). Jaadadkaan ayaa sii kala leh varieties kale kuwaas oo lagu helay cilmibaarisyadii iyo fidintii beeraha ee la sameeyay 1980s. Digiruhu waxa ay ka bixi ogyihiin; isla kolkaana ku caan baxeen gobollada dhexe ee waddanka. Halkaas oo tacabka beeruhu ku tiirsanyahay roobka. Baaritaanno dhawaanahaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in wax soosaarka digirta waddanka ay wax badan ka beddeli karto heerka nolosha dadka iyo dhaqaalaha waddanka. Caqabadaha xannibaya se ay tahay horumar la’aanta dhanka tiknoolojiyadda iyo baraarug la’aanta bulshada. Haruurka (mesegada) waxa ay ka mid ahayd dalagyada ugu waaweyn ee bulshadu quudan jirtay muddo fog, gadaalahaanse waa ay yaraatay danayntii loo qabay. Mesegadu sida digirta waxa ay ka baxdaa gobollada dhexe. Gobollada Bay iyo Bakool ayaa aad ugu caan ah tacabka mesegada.
Galleydu (maize) waxa ay ku jirtaa dalagyada ay bulshadu sida maalinlaha ah ugu tiirsantahay noloshoodu, aadna ay u cunaan. Galleydu waxa ay aad kaga baxdaa ama lagu tacbaa dhulka waraabka. Galleyda iyo mesegadaba waxa ay ku jiraan dalagyada lagu sameeyay cilmi barista xagga variets- ka ah xilligii dowladdii Kacaanka iyo sannadihii danbe oo hay’ado ajaanib ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ay baaris ku sameeyeen. Ka hor dagaalki sukeeye, qiimeyntii la sameeyay waxaa lagu ogaaday in wax soosaarka galleyda 65% ka ahayd maxsuulka dalagyada firileyda, halka mesegadu ahayd 35%. Seddexda (3) gobol: Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Bay ayaa ah gobollada ugu badan ee laga soosaaro dalagyada firileyda, 80%. (Eupean Union, April 2010).
Marxaladahii oo soomaray muuska | banana
muusku waxa uu ku jiraa dalagyada sida joogtada ah looga cuno xaafadaha iyo magaalooyinka. Tacabka muusku waxa uu billawday muddo fog. 1920s ayaa muuska Soomaaliya laga billaabay tacabkiisa iyada oo lagu beddelay suufkii ay kol hore ka ganacsan jireen. Tacabka muuska waxaa aad ugu shuqlanaa gumeystihii Talyaaniga, isaga oo u samayeey kanaallo lagu waraabiyo. Kanaallada uu dhisay Talyaanigu milaygii uu tacabka muuska billaabayay waxaa ugu waaweyn Primo Primario, primo secundrio iyo Asyle, kuwaas oo uu ka dhisay gobolka Shabeella Hoose. Horumarka tacabka muusku waxa uu kordhay inta u dhexeysay 1950s-1960s. Beeraleyda tacba muuska waxa ay ahaayeen Talyaani iyo ganacsato. Muuska intiisa badan waxa loo iib-geyn jiray Talyaaniga iyo qayb yar oo Sucuuudiga loo dhoofin jiray. Soosaarista muuska Soomaaliya waxa ay heerkii ugu sarreeyay gaartay sannadihii 1970s, gaar ahaan 1973, kolkaas oo qiyaastii 150, 000MT oo muus ah la soosaaray. Dhamaadkii 70yadii waa uu ka hoos maray xaddigan. 1983, waxaa la aasaasay Wakaaladda muuska Soomaaliyeed (Somalfruit).
Muuska Soomaaliyeed waxa soo wajahay caqabado tan iyo dhicitaankii dowladdii dhexe. Ka dib dhicitaankii dowladda hay’ado ajaanib ah iyo shirkado ganacsi ayaa u istaagay soo nooleynta ganacsiga muuska, oo markale u sameeyay suuq kii hore la baratami kara, kaas oo isku dayadiisu weli xawli ku socdaan. 1993, ayay labada shirkadood ee Dole (Sombana) iyo Denadai (Somalifruit) dib u billaabeen dhoofintii muuska. 1997, ayaa markale la joojiyay dhoofiska muuska. Sababtuna waxa ay ahayd xiritaankii dekadda Muqdisho iyo Elnino Floods. Kanshooyinka ganacsi ce muuska Soomaaliya haysto kolka laga eego dhanka suuqa waa mid aad u wanaagsan aagga waddanka awgeed. Sara-u-qaadid tacabkada iyo xirfadda ka ganacsiga muuska oo la horumariyo ayaa ka dhimman ka macaashidda malaayiinta laga samayn karo muuska Soomaaliya. Geed-sokorka (qasabk) Soomaaliya waxaa laga tabcadaa dhinaca Koofureed. Qasabka wuxuu ahaa mid laga ganacsado ka dib kolkii ay shirkad Talyaani ah (SAIS) billowday tacabkiisa 1927. Waxaa loo diyaariyay dhul aad u ballaaran oo gaaraya 60,000 acres webiga Shabeelle, Jawhar (the Agricultural economy ofSomalia, no d).
suufka
Suufka si tijaabo ah ayaa sannadkii 1906 loogu beeray Soomaaliya. Afar (4) sano ka dib si ganacsi ah ayaa loo beeray, waxsoosaarkina waa uu kordhay ilaa 1929. Ka dib sannadkaas ganacsiga suufku hoos ayuu u dhacay taas oo keentay in beeralaydi u weecdaan tacabka muuska iyo lawska. Tacabka suufku waa uu sii socday, beeralay yaryar ayaana tacbaysay. 1950s, ayuu markale dhaqaalaha suufka laga sameeyo dib u soo kabtay, ka gadaal kolkii loo helay dhoofin dibadda ah. Sannadihii xigay waxsoosaarka suufku meel dhexaad ayuu ahaa. 1963, 484 tons ayaa la soosaaray, 1965-tiina 111 tons, halka 1966 la soosaaray 4 ton oo kaliya. Sisintu (sesame) waxa ay ka mid tahay dalagyada asal ahaan ka soo jeeda Geeska Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay. Sisintu waxa ay ku jirtaa dalagyada ugu muhiimsan ee saliidda laga sameeyo (oil crops). Sidoo kale, waxa ay ku jirtaa dalagyada ugu waaweyn ee wax soosaarka waddanku ku tiirsanyahay. 1970-2002, xogihii la uruuriyay waxaa 1968, ayaa dhidibada loo taagay wershadda Dharka ee Balcad oo lagu dhisay caawinaad laga helay dowladda Jarmalka. Wershadda waxaa lagu qalabeeyay makiinado awood u leh, in ay soosaaraan dhar ku filan baahida gudaha.
Sisintu (sesame)
Sisintu (sesame) waxa ay ka mid tahay dalagyada asal ahaan ka soo jeeda Geeska Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay. Sisintu waxa ay ku jirtaa dalagyada ugu muhiimsan ee saliidda laga sameeyo (oil crops). Sidoo kale, waxa ay ku jirtaa dalagyada ugu waaweyn ee wax soosaarka waddanku ku tiirsanyahay. 1970-2002, xogihii la uruuriyay waxaa lagu sheegay in wax soosaarka sisintu gaaray 34,880 MT (Somali government, 1988). Ka sukow, dalagyan digirta, 30- kaas sano sisintu waxa ay ahayd dalagga afaraad (4aad) ee wax soosaarka ugu badan ku leh waddanka. Sisinta waxaa laga tacbaa Koonfurta waddanka, dhulka waraabka iyo dhulka roobabka oo beeraleyda yar yari ay tacbaan. Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hoose, Jubbada Dhexe, Hoose, Hiiraan, Bakool, Bay, iyo Gedo ayaa laga tacbaa sisinta. Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ah caloosha wax soosaarka sisinta ugu badan ee waddanka, 66% maxsuulka sisinta waxa uu ka yimaadaa dhul lagu qiyaasay 95,860 ha ee labadaas gobol. Ka hor 1991, Shabeellaha Hoose dhul cabbirkiisa lagu qiyaasay 39,892 ha ayaa lagu beeri jiray sisinta. Halka, Shabeellaha Dhexe dhul dhan 24,325 ha laga soosaaray sannadkii wax soosaar dhan 35,600-56,680T sannadihii 1982-87. Varieties-ka sisinta ee waddanka laga tacbo afar (4) qaybood ayaa ugu waaweyn: Dunyar, Baalweyn, Sideed-dulley iyo Madoobey. Dunyarta ayaa ugu wax soosaar badan noocyadaan sisinta ah. Liintu waxa ay ka mid tahay geed miroodka aad looga tacbado Soomaaliya, waayadii danbana suuq fiican ku yeeshay waddannada Khaliijka. Tacabka liinta waxa laga billaabay aagga Afgooye sannadihii 1960s. Liintu weli waxa ay ku jirtaa dalagyada dhaqaalaha ugu badan ka soo galo waddanka dibadiisa, iyada oo aan gaarsiisnayn heerkii la rabay.
Canbaha iyo Babaayga
Canbaha (mango) waa mid ka mid ah geed miroodka aad kaga baxa waddanka, gaar ahaan gobollada Shabeellooyinka. Canbuhu waxa uu ku jiraa miraha ay ka helaan beeralaydu dhaqaale muuqda. Suuqiisa gudahana aad ayuu wanaagsanyahay. Canbuhu sidoo kale, waxa uu leeyahay sameyntiisa xagga dhaqaalaha haddii si qumman loo tacbo.
Babaaygu (papaya) waxa uu ka mid yahay miraha aadka looga jecelyahay gudaha waddanka. Xaafadaha, maqaaxiyaha iyo meelaha cabitaannada lagu farsameeyo ayaa aad looga adeegsadaa. Waana mid ka mid ah geed miroodka ay beeraleyda tacbato dhaqaala wanaagsanna ka hesho kolka uu u soo go’o. Tacabka qudaarta Soomaaliya waxa ay dib ugu noqonaysaa sooyaalladii hore, waayadii gumeysiga iyo wixi ka horreeyayba. Waxaa la xusaa in tacabka qudradda ay waddanka keeneen Aasiyaankii waddanka imaan jiray, Carabtii lala ganacsan jiray iyo gumeystayaashii reer Yurub.
Tacabka qudaartu waxa uu ku baahay gudaha waddanka ka dib kolkii beeralaydii kasmo u yeesheen beerista qudaarta. Wixii ka horreeyay dagaalladii sokeeye, 21 jaaad oo qudradda jaadadkeeda ka mid ah ayaa waddanka laga helayay, kuwaas oo qaarkood hadda dib u soo noolaaday (Horticultural study in Lower and Middle Shabelle regions of Somalia). Jaadadka ugu magaca leh ee laga tacbado waddanka waxaa ugu waaweyn: yaanyo (tomatoes), basal (onion), karooto (carrot), ansalaato (lettuce), berberooni (capsicum), qajaar (cucumber), begel (radish), *baamiye (okra), bocor (pumkin), qare (watermelons), kabsar-caleenno (spice), batiiq iyo koosto (spinach).
Basasha iyo Baamiyaha
Bashasu waxa ay aad kaga bixi jirtay amminnadii hore magaalooyinka Baardheere iyo gobolka Bakool. Waxa ayna ku jirtay dalagyada aad kaga bixi jiray aaggaas ka hor dowladdii Kacaanka. Baardheere, waxaa loo aqoon jiray (magaaladii basasha). Kontomeeyadii (1950s) ayaa tacabka basasha laga billaabay halkaa. 1960s-1970s, wax soosaarka basashu waxa uu ahaa mid aad u koraya, se sannadahaas. Baamiyuhu waxa uu ku jiraa dalagyada asal ahaan ka soo jeeda waddannada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.wixii ka danbeeyay hoos u dhac ayaa ku yimid, taageero la’aan xagga dowladda ah iyo suuq la’aan.
Gabyo iyo heeso loo sameye dalagyada dalka
Hees hooyo Soomaaliyeed qaadday
Galleey geed jin weyn waaye
Gollaha ayay ku baxdaa
Meseggo maal Nebi waaye
Meel wal bay ku baxdaa
Gaby reer Baraawa
Mirahoo la cunaayo oo moos la yiraahdo Muslimkaan ma aqiinin, maanyadaa laga keenay. Muusku (banana) waxa uu ka mid yahay dalagyada waaweyn ee Soomaalidu aad u tacbato,
isla kolkaana aad uga gabyaa shaqsi reer Baraawa ah.
Gabay Beer ha la ogaado | Abwaan Maxammed Gacal Xayoow
Waxa ay bilisi faantaa hadday beera falataaye,
babaayga, muuskaynu waa beel nafagadeede
Biixi jaban haruurkayna waa lagu bogsiiyaahe
Bangiyadu ma buuxeen, haddaan beeralay jirine
Badmaaxuba xamuul uma heleen booli moogyadiye
Dharkoo bilicsan naaguhu bil ciid ugu ma boobeene
Baarlamaanka feestada cayaar uga ma boodeene
Baruur iyo caddiin ma leh gofaan badar walwaalayne
Waxaa hadalka baarkiisu yahay beer ha la ogaado.
macluumadkan waxa ka soo xiganay illo kala duwan waxa kamid ah RAAD-RAAC: The Shaping of Somali Society Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900, CASSANELLI (1988). The end of slavery and the problem of labor in Colonial Somalia. Agricultural economy of Somalia, no. d. AGRON-4111 Agriculture definition, importance, scope, branches of agriculture, evolution of man and agriculture, development of scientific agriculture. National and Agricultural Research Institutes. International American Journal of climate change. (2018). Climate Change Projections and the Associated Hamburg and Thomas Labahn. Anwar Axmed Mayow & Naasir Sh. Maxamed Muuse. (2021). Taariikhda Soomaaliya: Hannaankii Dowladnimo ee Saldannadda Gelledi (1750-1920). Dr. H. Grell and Dr. Labahn. (1993). Pastoral Production In Central Somalia. Dr. Magashi Auwal. Agricultural Botany in national open university of Nigeria. Eupean Union. (April, 2010). Review And Identification Of The Agriculture Programe For Somalia. European Association of Somali Studies. (1993) the role of agriculture in the origin and solutions of Somali problems. Famine Early Warning system Networks. (2004). Horticultural study in Lower and Middle Shabelle Regions of Somalia-the case of xpansion of Fruit and Vegetable Production and Marketing. Somali Democratic Republic ministry of Jubba Valley Development with Federal republic of Germany (1990) Masterplan for Jubba Valley development. World Bank and FAO. (2018). Rebuilding Resilient and Sustainable Agriculture in Somalia. https://www.keydmedia.net/news/ganacsatada-xoolaha- soomaaliya-oo-sanadkan-khasaarey million. -500- https://www.somaliaonline.com/community/topic/1646 87-jubba-and-shebelle-rivers/. https://www.researchgate.net/figure/Map-of-Somalia- showing-main-Food-Economy-Groups -Source- Food-Security-Assessment- Unit_fig1_268042361/amp.
Sii Daalaco: https://wax-soosaar.com/sooyalka-beeraha-soomaaliya-beeraha-soomaaliya/