Caqabadaha Beeraha Soomaaliya | Xalka xagee ku jira

Hordhac kooban Caqabadaha Heysato Beeraha Soomaaliya

Beeraha soomaaliya in muddo ah waxay ku sugan tahay caqabado waaweyn, beeruhu waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan dhaqaalaha dalka, iyaga oo shaqaalaysiiya qayb badan oo ka mid ah dadweynaha, waxa aanay ka qayb qaataan sugnaanta cuntada. Si kastaba ha ahaatee, arrimo kala duwan ayaa hor istaagay horumarinta iyo joogtaynta wax soosaarka dalagyada beeraha. Caqabadaha waaweyn waxa kamid ah Soomaaliya waxay soo martay labaataneyo sano oo xasillooni darro siyaasadeed iyo iskahorimaadyo, kuwaas oo sii xumeeyay caqabadaha ka jira dhinaca beeraha. Maqnaanshaha dawlad xasiloon iyo hay’ado shaqaynaya ayaa caqabad ku noqday hirgelinta siyaasado wax-ku-ool ah oo dhinaca beeraha ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, helitaanka deyn iyo suuqyo. Waxaa intaa dheer, colaaddu waxay keentay in dadkii reer miyiga ahaa ay barakacaan, waxayna carqaladeeyeen hawlihii beeralayda, isla markaana ay lumiyeen aqoontii iyo xirfaddii beeraha. Intaa waxaa dheer,  cimilada dalka oo  isbadal weyn ku  imaaday  roobab aan joogto ahayn iyo abaaro soo noqnoqda. Xaaladdan cimilada ayaa si aad ah u xaddidaysa helitaanka biyaha waraabka waxayna caqabad weyn ku tahay wax soo saarka dalagga. Sidaa darteed, beeralayda ayaa la halgamaya sidii ay u beeri lahaayeen tiro ku filan oo dalag ah, taasoo keentay cunto yari iyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda. Caqabad kale oo ka jirta beeraha Soomaaliya Helitaanka tignoolajiyada casriga ah iyo farsamada beeraha oo aan ku filnayn ayaa xadidaaya in dalagyo badan la abuuro, waxaa ka maqan agabkii iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah si ay beeraha wax u soosaaraan ay noqdaan kuwa waara oo u adkeysan kara cimilada, taas oo sii adkeynaysa si ay ula qabsadaan xaaladaha deegaanka ee isbeddelaya. Wax ka qabashada caqabadahan waxay u baahan tahay habab dhinacyo badan leh, oo ay ku jiraan maalgashiga hababka maaraynta biyaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta beeralayda, iyo dejinta siyaasado iyo hay’ado taageero ah. Haddii ay ka gudubto caqabadahaas, Soomaaliya waxay horumarin kartaa wax soo saarka beeraha, kor u qaadida sugnaanta cunnada, waxayna kor u qaadi kartaa kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida muwaadinka.

Caqabadaha Beeraha Soomaaliya | Xalku xagee ku jiraa

Caqabadaha Beeraha Soomaaliy

Soomaaliya waxa ay afka hore kaga jirtaa waddamada la siiyo kaalmaha dhaqaale; maadaama ay qayb ka tahay waddannada ugu hooseeya xagga dhaqaalaha iyo kuwa dhaqaalohoodu soo korayo. Horumarka iyo koritaanka dhaqaale (economic growth) waxaa saameeya heerka dhoofineed ee waddanka. Dhoofinta waddanku waxa ay ka timaad dhan beereed, wershadeed I.W.L.M. Beeruhu waxa ay lafdhabar dhaqaale u yihiin waddamo badan, kuwa kalena waxa ay ku maareeyaan nolosha maalinlaha ah. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddannada dhaqaalohoodu beeraha ku tiirsanyahay iyo nolosha qoysaskaba; sidaasi darteed waxaa jira caqabado ku hor go’an horumarka beeraha-waraab ama roob-sannado aad u badan. Caqabadahaas waxaa loo kala qaadaa laba qaybood (International Congress of Somali Studies). Labada qaybood ee loo qaybiyay caqabadaha haysta waxsoosaarka beeraha Soomaaliya waxa ay kala yihiin: Caqabad juqurafiyadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee waddanka.

Caqabadaha juquraafiyadeed
Caqabadaha juquraafiyadeed ee waddanka waa ay badanyihiin, qodobada doorka u ah ayaanse ka xulanaynaa si xallintoodana ay u fududaato.

1. Roob yari aan si hagaagsanayn uga di’in oo ay ka dhashaan waxsoosaar yari ama in gebi ahaanba aan wax waxsoosaar ah la samayn. 2. Dhanka kale, waxa dhacda in roob xooggan ku dhufto gobollada qaar kaas oo xididada u siiba dhir wixii beernaa, halkaasna tacab qasaar ay ka dhacdo. Gobolllada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka ayaa ku caan ah fatahaadaha. Dhibaatooyinka uu sababo roobka mahiigaanka ah waxaa ka qayb ah in uu burburiyo kanaallada iyo deegaankii beeralayda. 3. Uumibax aad u sarreeya oo keena kororka cusbada carrada. Cusboobidda carradana waxaa ka dhalan kara in geedaha u nugul cusbada aysan ka bixin biya- shuurka carradana (drainage) uu hallaabo. 4. Carra-guur ay sababaan biyo ama dabeylo. Inta badan gobollada roobka ku tiirsan ayay arrintaani qabsataa iyada oo carrada teeda nafaqada leh ay dabeyli xaalufiso. 5. Cudur iyo cayayaa: Kolka laga yimaado arrimahan soo tibaaxnay, beeralayda Soomaaliyeed waxaa fasal kasta la dega xaddi badan oo waxsoosaarkooda ah cudur aysan u heli karin daawo ama aysanba aqoon buuxda u lahayn. Geesta kale, xaaladda dhaqan-dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee waddanka waxa ay abuureen tiro caqabado ah, oo ay ka marakacayso sida aan horumar muuqda looga samayn beeraha Soomaliyeed sannado badan. waxa ayna noqonayaan sidaan

1. Maadaama, bulshada Soomaalidu u badantahay xoola-dhaqato aad ugu faana dhaqashada xoolaha, qofka beeralayda ah waxa uu bulshada dhexdeeda ka yahay mid aan mudnaan weyn la siin. Beeralaydu lama mid ah qofka xooladhaqatada ah taasina waxa ay meesha ka saartay in awood bulsheed la geliyo tacabkii beeraha. Waxaa jira halqabsi laga dheegan karo sida qofka beeralayda ah kaga hooseeyo qofka kale. “Hebel waa miskiin beer-qodata ah”. Halqabsigan waxaa laga dhex arki karaa in beeralaydu awood muuqata ku leheyn bulshada  dhexdeeda; maxaayeelay Soomaalidu waa dad xoolalay ah, aadna ugu tookha xoolaha. 2. Qodobka sumcad yaridu waxa uu dhaliyay in la waayo xooggii dadka ka shaqayn lahaa beeraha. 3. Suuq xumada iyo wadda xumada (lack of infrastructure) ka jirta waddanka waxa ay hurgummo xun ku yihiin beeralayda iyo waxa ay soosaaraan. Caqabadaha ka dhasha qodobkaan ayaa beeralay badan kaga soo hayaameen beerohoodi iyaga oo cooshado yaryar ka magaalooyinka waaweyn. samaystay duleedka 4. Mashaariicda loogu talagalay in la gaarsiiyo beeralayda (kuwooda yaryar) waxa ay noqdaan kuwa aan mira dhalin sababo la xariira wada shaqeyn la’aan iyo wareysi mashaariicda. xumo ka timaada fuliyaasha

Xalka xagee ku jira

Qarnigan iyo kii ka horreeyayba, dunidu waxa ay iclaamisay khataraha ku soo fool leh dhulka tacabka iyo dadka beeraha ka shaqeeya. Sidoo kale, waxaa dunida ka oogan qaylo dhaan lagaga cabanayo isbeddelka cimillada, taas beddelkeeda Soomaaliya waxaa u dheer xaalado dhaqan-dhaqaale oo beeralaydu ka cabanayaan; sidaas darteed waxaa muhim ah in la jeexo dhabbe looga baxo dhibtaas. Haddaba, iyada oo la tixraacayo habka dhowrista deegaanka iyo sara u qaadidda waxsoosaarka, dunidu waxa ay isku raacday in habka beerashada wanaagsan lagu soo dabbaalo habkii hore ee beerashada. Taas oo keeni karto waxsoosaar tayo iyo tira leh iyo Deegan nabdoon.Si dhibta haysata beeraha iyo beeralayda.

isbeddelka cimilada iyo beeraha Soomaaliya

waxa jiro todobo “7” qodob oo muhim ah in wax looga qabto Caqabadaha beeraleyda heysato.

1.Sameynta urur iskaashi beeralay oo ka kooban aqoonyahanno beer-yaqaanna ah, beeralay, iyo ganacsato gudaha iyo dibadda ah: Qodobkan haddii sidiisa loo helo, qodobbada kale isaga ayaa kaafin kara. Aqoonyahannadu waxa ay ku qaybsanaan doonaan wax kasta oo xagga tiknoolojiyadda, cilmiga, farsamada iyo talada ah. Halka ganacsatadu qaadan doonaan doorka maalgelinta iyo suuq geynta

2. Helidda abuur tayaysan: Abuurku wuxuu ku jiraa meelaha ay dhibtu ka haysato beeralayda, heliddiisuna waxa ay uga dhigantahay xallinta qayb ka mid ah dhibaatooyinkooda.

3. Hawl gelinta habka beerashada wanaagsan: Adeegsiga habkan cusub wuxuu beeralayda ka kaalmeyn doonaa in ay soosaaraan waxsoosaar tayaysan iyo deegaan bedqaba.

4. Maalgelin ay sameeyaan ganacsata Soomaaliyeed: Qodobkan wuxuu meesha ka saarayaa in hay’adaha ajaanibta ah ee sida qaldan ula falgala beeraha. Sidoo kale, beeralaydu waxa ay kalsooni ku dareemi doonaan maalgashayaashooda.

5. Abuuridda suuq furan: Dhibta ugu weyn ee qofka Soomaaliyeed ee beeralayda ah haysta maanta waa suuq xummo. Haddii,xal loo helana waxaa dib u noqon doonaa kumanaan soo cidleeyay beerohoodi

6. Adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah: Beeralayga Soomaaliga ah weli wuxuu adeegsadaa tiknoolojiyaddii uu ka soo gaaray awoowayaashiisi qarni ka badan mootan, taasina waxa ay keentay in uusan waxsoosaarkiisu dhaafin gurigiisa ama uusan ba ku filnaan.

7. Samaynta siyaasadda beeraha: Wasaaradda Beeraha waxaa waajib ku ah in ay samayso siyaasad caabboon oo la falgeli karta waaqaca beeralayda. Sidoo kale helidda xeerar ilaalinayo beeralayda iyo waxsoosaarkiisa.

macluumadkan waxa ka soo xiganay illo kala duwan waxa kamid ah RAAD-RAAC: The Shaping of Somali Society Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900, CASSANELLI (1988). The end of slavery and the problem of labor in Colonial Somalia. Agricultural economy of Somalia, no. d. AGRON-4111 Agriculture definition, importance, scope, branches of agriculture, evolution of man and agriculture, development of scientific agriculture. National and Agricultural Research Institutes. International American Journal of climate change. (2018). Climate Change Projections and the Associated Hamburg and Thomas Labahn. Anwar Axmed Mayow & Naasir Sh. Maxamed Muuse. (2021). Taariikhda Soomaaliya: Hannaankii Dowladnimo ee Saldannadda Gelledi (1750-1920). Dr. H. Grell and Dr. Labahn. (1993). Pastoral Production In Central Somalia. Dr. Magashi Auwal. Agricultural Botany in national open university of Nigeria. Eupean Union. (April, 2010). Review And Identification Of The Agriculture Programe For Somalia. European Association of Somali Studies. (1993) the role of agriculture in the origin and solutions of Somali problems. Famine Early Warning system Networks. (2004). Horticultural study in Lower and Middle Shabelle Regions of Somalia-the case of xpansion of Fruit and Vegetable Production and Marketing. Somali Democratic Republic ministry of Jubba Valley Development with Federal republic of Germany (1990) Masterplan for Jubba Valley development. World Bank and FAO. (2018). Rebuilding Resilient and Sustainable Agriculture in Somalia. https://www.keydmedia.net/news/ganacsatada-xoolaha- soomaaliya-oo-sanadkan-khasaarey million. -500- https://www.somaliaonline.com/community/topic/1646 87-jubba-and-shebelle-rivers/. https://www.researchgate.net/figure/Map-of-Somalia- showing-main-Food-Economy-Groups -Source- Food-Security-Assessment- Unit_fig1_268042361/amp.

Sii Daalaco: https://wax-soosaar.com/sooyalka-beeraha-soomaaliya-beeraha-soomaaliya/