Sooyalka beeraha soomaaliya

Beeraha Soomaaliya

Beerashad iyo beerida beeraha Somalia waxay soo martay marxalado kala duwan oo leh taariikh badan oo is dhaxlaysay mudo kabadan 3000 kun oo qarni waxaa lashega inkastoo aanan si sax loo hayn taarikhda ay sobilaabaty beerashada dhulk Somalia Xiligii casrigii fogaa ee dhulka punt loo yaqanay dhulka somaliyeed ayago lalahaa bayac mushtar xaga dalaga masaaridiin hore Wixii kahoreeyey waqtigii isticmaarka beerashadu waxay ahyd mid aad uxadidan labada daamood ee wabiyada juba iyo shabeele waxaa joogay gumaystihii taliyaaniga. Nolosha dadku waxa ay ku tiirsantahay beeraha si toos ah iyo si aan toos ahayn. Sidoo kale wixii ka danbeeyay kacaankii wershadaha, beeruhu waxa ay noqdeen ilaha ugu badan ee wershaduhu ka helaan alaabaha ceeriinka ah.

Sooyalka beeraha soomaaliya

Bulshada Soomaaliyeed, kolka laga warramayo xaaladahooda dhaqan-dhaqaale iyo ka qayb qaadashada dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee caalamiga ah waxa ay kaga jiraan kaalin weyn waqti aad u fog. Ka ganacsiga waxa ka soo go’a beeraha iyo xoolaha waxa ay dhex mari jireen bulshada Soomaaliyeed iyo quwadihii markaa ugu waaweynaa caalamka.

 Iyada oo laga shidaal qaadanayo xiriirkaas ganacsi, waxaan garan karnaa heerka tacabka beeruhu ka joogay bulshada somaliyed. Ka sukoow, ka ganacsiga beeraha waxa uu caanka ku ahaa waddanka Soomaaliya waxaa ugu waaweyn dhoofinta waxyaabaha udugga leh: beeyada, malmasha iyo dhammaan cunta carfiyayaasha oo idil. Sidoo kale faanta maroodigu waxa ay ahayd waxyaabihii ganacsatada ajaaaniibta ah dalkan keeni jiray. Dhammaan badeecooyinkan waxaa beddelay dhoofinta dalagyada firileyda ah. Cristopher (1844) ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu noqday xeebta laga dhoofiyo firiley (grains) iyada oo loo dhuufinayo Koonfurta Carabta.

Beeraha Soomaaliya waxa ay door muhiim ah kaga jiraan sooyaalka Geeska Afrika. Ka hor xilligii gumeysiga. Dhulka waraabka ah ee ku teedsan Shabeellaha Hoose waxaa laga soosaari jiray dalagyada firileyda iyo kuwa qudaarta, kuwaas oo, badeeco ahaan looga iibin jiray dadka deggan xeebaha: Banaadir, Marka iyo Baraawe. (LEE. V. CASSANELLI)

Tacabka beeraha Soomaaliya waxa loo kala saaraa: tacab waraab [irrigated agriculture] iyo tacab roob ku tiirsan [rainfed agriculture].

 Qoraal afeedku (oral records) waxa ay sheegayaan in qarnigii 16aad, mesegada (durra) iyo bunka aad looga tacbi jiray gobolka Shabeelle Dhexe. Boqortooyadii Ajuuraan ayaa maamuli jirtay tacabka beeraha. Qoraalladu waxa ay sii caddeynayaan in kanaallada waraabka la qoday waayadaas si loo adeegsado waraabka fatahidda, oo ah mid ilaa maanta la adeegsado (P. Conze and Thomas Labahn, 1986).

Kororkii ganacsiga Carbeed iyo midkii reer Yurub oo ku baahay waddanka, waxa uu dhiirrigeliyay beeralaydi yaryareed, taasi oo keentay in loo baahdo shaqaale ka shaqeeya beeraha. CASSANELLI (1983) ayaa ku doodaya in tira yarida beeraleyda iyo baahida loo qabay wax soosaar badan ay keentay in dalka ay ku soo bataan dadka addoomaha ah ee ka shaqeynaya beerahaas. Addoomahaasi waxa ay ka shaqeynayeen beeraha yaryar, oo ay ku beeranyihiin dalagyada loo yaqan (cash crops) sida suufka, galleyda oo beddeshay mesegadii. Beeruhu waxa ay isbeddel muuqda sameeyeen intii lagu guda jiray milaygii gumeysiga, gaar ahaan gumeystihii Talyaaniga. Suufka, muuska iyo qasabka sokorta ayaa aad loo beertay, gaar ahaan beeraha gumeystuhu lahaa iyo kuwa ganacsatada. Waxaa kale oo la horumariyay waraabka iyo ilaalinta biyaha webiga ee gobollada Shabeellaha Dhexe, Hoose iyo qayb ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Ka hor waayadii gumeystaha shaqaalaha ka shaqeeya beeraha waxa ay u kala qaybsanaayeen seddexdaan qaybood:

1. Shaqaale xor ah: qaybtan shaqaalaha waxa ay ahaayeen dad xoola dhaqato iyo beeralay ah, oo ku nool dhulka u dhexeeya labada webi ee koonfurta Soomaaliya. Qaybtani waxa ay tacbadaan dalagyada galleydu ugu weyntahay, xoolana waa ay dhaqdaan si ay isugu kaalmeystaan labadaas il dhaqaale. Qayb ka mid ah qoyska waxa ay daaqsin geynaysaa xoolaha, halka qaybta kale ee qoyskuna beerta ka shaqaynayso.

 2. Beeraley macaamiil ah: qaybtani waa qayb ka mid ah bulshada xoola dhaqatada iyo beeralayda ah, se muddo ka dib ku xirmay bulshadii beeraleyda ahayd kolkii xoolihii kaga dhamaadeen dagaal ama abaar. Waxa ay ka kiraystaan mararka qaar ninka dhulka leh. Qaybtaan waxaa loo tixgeliyaa mararka qaar bulshada deegaanka ah.

 3. Addoomo: shaqaalaha addoommada ah waa ay ka duwanaayeen shaqaalaha intiisa kale, oo waa la sii kala iibsan karaa. Sidoo kale, iyagu wax dhul ah ma yeelan Karin LEE.V.CASSANELLI.

 Intii lagu guda jiray gumeystaha, horumar muuqda ayaa laga sameeyay dhanka beeraha, iyada oo beeraha waaweyn uu gacanta ku haayay gumeystuhu. Haddana dalagyo badan tacabkooda ayaa ku soo kordhay sida bariiska, muuska iyo suufka oo ka horreeyay dalagydan. Beerista suufka waxaa la billaabay bartamihii qarnigii 19aad. Waxaana sababay niman ganacsata ah oo deganaa xeebta Muqdshiso sida uu ku qoray LEE.V. CASSANELLI buuggiisa (The Shaping of Somali Society Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900) ayaa soosaaray dhar gaar ah oo loo yaqaan tomonyo ama Toob Banaadir. Ka dib waxaa billaabatay beerista suufka iyada oo loo iib geyn jiray waddamada Carabta iyo Yurub. Sidoo kale, CASSANELI waxa uu isla buugiisaas ku sheegay, in billowgii qarnigii 19aad webiga Shabeelle ahaa marin isku xira ganacsatada magaalooyinka Harar, Dhagaxbuur ilaa dekadda Saylac, Berbera iyo Gacanka Cadmeed iyo magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

 Xilligii Maxmayidda Talyaaniga waxaa la hirgeliyay tacabka dalagyada (cash crops) iyo mashaariic waaweyn oo waraabka iyo waddooyin ah. Mashaariicdaan waxaa laga hirgeliyay gobollada Shabeellaha Dhexe, Hoose iyo qayb kamid gobolka Jubbada Hoose.

 Intii gumeystuhu waddanka joogay, waxa uu soosaaray xeerar uu ku sheeganayo dhul beereed aad u baaxad weyn. E, Q. no. 82 June 8th, 1911, waxaa la soosaaray xeer sheegaya in cabbirka 250-2000ha uu maamulka gumeystuhu lahaanayo. Isla xeerka tiirsigiisu yahay no. 226, June 24th 1929 waxaa la gaarsiisay ilaa 10,000 ha in uu beeranayo gumeystuhu, halkaas oo qasabka lagu beeri jiray (P. Conze and Thomas Labahn, 1986). Ka dib xoryaddii, dowladdii Kacaanka ayaa qayb kale ka qaadatay horumarinta beeraha iyo sara u qaadidda wax soosaarka waddanka iyada oo aasaastay ha’yado ku shaqa leh horumarinta beeraha. Wasaaradda beeraha iyo waraabka waxa ay qayb ka ahayd ha’adahaas dowladdu u xil saartay horumarinta beeraha. Sidoo kale dowladdu waxa ay hirgelisay mashaariic lagu tayaynayo wax soosaarka iyo cilmi baarisyo lagu horumarinayo beeraha. Fidinta beeraha.

Dhul-beereedka Soomaaliya

Dhul beereed (arable land) waxa loo yaqaan dhulka loo adeegsado beerista dalagyada kala duwan, lehna awood wax Soosaar. Dhulka Soomaaliya waxaa loo qaybiyaa-muuqaal ahaan- siddeed qaybood. Afar kamid ah waxa ay jirtaa dhanka waqooyi iyo galbeed, halka afar kale ay jirto dhinaca koonfureed (J. Liiqliiqato, 2000).

Dhul-beereedka Soomaaliya

Afarta waqooyi iyo galbeed

GUBAN: Waa gobolka deexda Gacanka Cadmeed ee bacaadka carro-gubadka leh, oo cimilladiisu aad u kulushahay.

OOGO: Waa gobolka sare ee buuraleyda ah, ee dabaysha iyo cimilladiisuba meel dhexaad yihiin. Waxa uuna ku wanaagsan yahay beerashada dalagyada qaar.

DOOXO: Waa gobolka dooxada ah ee u dhexeeya buuraha iyo oogada oo ay ku rogmadaan biyaha buuraha dushooda ka yimaada. Waxaana ka abuurma toggag waaweyn; sida Togdheer ito Tog Nugaaleed.

HAWD: Waa gobolka carrad caska ah ee kaynta badan leh. Dhanka koonfur iyo bariba waa ay ka duwanyihiin dhinaca kale, waxa ayna u qaybsantahay afartaan qaybood:

XEEB: Waa gobolka xaalufka ah ee cammuudiisu ka abuuranto bacaadka guur-guura.

DEEX: Waa gobolka carra cadda ah ee la jeeda xeebta, oo leh cimillo aad u kulul. Gobolkaan waxaa ka baxa geedo ay ka midyihiin: xadhuunka, daranta iyo geed gaabka.

DHOOBEY: Waa gobolka ay maraan labada webi ee carra madowda leh. Gobolkan wuxuu aad ugu wanaagsanyahay tacbashada beeraha iyo daaqa nugulka.

DOOY: Waa gobolka cammuudiisu guduudka tahay, oo kaynta ah kana baxaan quracda iyo gumarta.

Wax-soosaar tacab in la sameeyo waxa ay ku xirantahay helidda biyo ku filan (roob iyo waraab), abuur tayaysan, qalab looga shaqeeyo hagaajinta beerta iyo aqoon intaasba ku dhisan. Tan ugu muhiimsan ayaase ah si wax soosaar tayo iyo tiro leh loo helo carro ay ku jirto nafaqo awood u leh in geed ka baxo dusheeda. Jaadka carrooyinka gobolladu waa ay ku kala duwan yihiin, kolka loo eego cimillada iyo jaadka dhagaxa carradu ay ka samaysmantay. Dhinaca waqooyi (Soomaaliland iyo Puntland), carrooyinka laga helo waa carrooyin jurmigoodu yaryahay (shallow). Carrooyinka ku hagaagsan wax soosaarka oo aan si simman waddanka looga helin, dhul beereedka waddanku waa mid ku kooban gobollo gaar ah. Gobollada ay maraan labada webi (Jubba iyo Shabeelle) iyo kuwa hela roob ku filan waxa ay ku jiraan gobollada wax soosaarka waddanku ku tiirsanyahay. 8 milyan oo hektaar ayaa ah dhulka wax soosaarka ku wanaagsan, oo 13% ka ah masaaxada waddanka. Tiradaas dhul oo tacabka ku haboon xaddi aad u kooban ayaa laga tacbaday sanadihii dowladdii Kacaanka iyo kuwii ka horreeyayba. Gobollada tacabkoodu roobka ku tiirsanyahay 11 gobol ayay ka yihiin 18-ka gobol ee waddanka (P. Conze and Thomas Labahn, 1986). Dalagyada ugu badan ee habkaan ku baxa (rainfed) waxaa ugu badan: mesegada, galleyda, digirta iyo dalagyo aad u yar. Mesegadu waxa ay ka mid tahay dalagyada aad looga tacbado meelaha roobka ku tiirsan. Gobollada Sh.Dhexe, Sh.Hoose iyo jubbada Hoose waxa ay ku jiraan gobollada beeraha waraabka laga sameeyo (P. Conze and Thomas Labahn, 1986). Ka hor dowladdii kacaanka beeralaydu waxa ay u badnaayeen beeralay yaryar (small scale). Badankoodna waxa ay beertaan galleyda, sisinta iyo digiraha. Sidoo kale, xornimada horteed Talyaaniga ayaa beeraha ugu waaweyn lahaa, isaga oo ku beeri jiray muuska iyo dalagyada (cash crops). 1975, waxay dowladdii kacaanku soosaartay xeerka dhulka oo xadidaya inta dhul ee qofku beeran karo. Sharcigan oo ku dhisnaa in wax kasta dowladda hoos tagaan, beeralayda waxaa loo ogolaa tiro go’an oo dhul ah in ay beeran karaan muddo 50 sano ah. Si qofku u helo shatigaas waa in uu isdiiwaangeliyaa, dhulka oo dhanna dowladda ayuu hoos tegayay. Beeralayda waraabka wax ku beerta waxaa loo ogolaa oo kaliya in ay beeran karaan 30 ha dhul ah. Kuwa gobollada roobka ku tiirsan wax ku beerta, sharcigu waxa uu oggolaanayay in ay 60 ha oo dhul ah tacban karaan. Halka, 100 ha oo dhul ah loo oggolaa in ay beertaan dadka beeraha aseendooyinka iska leh (banana plantations). Sidoo kale, sharcigu waxa uu dhigayay 50 sano mudda ku eg kaliya qofku in uu beeran karo, ka dibna uu dib isu-diiwaangeliyo.

Cabbirrada ugu caansan ee beeraleydu isticmaalaan waxaa ugu caansan

 Hektaar          10,000m²        1h=4darab.
 Darab        2,500m2
Jibaal                      
 
25m2   1h=16jibaal.
Moos             2 tillaabo isku wareeg ah
 
Ul              
  12 Moos
Cabbirrada beeraleydu isticmaalaan kuwa ugu caansan

Mashaariicda Beeraha

Beeraha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha waddanka iyo nolosha bulshada ayaa la hirgeliyay mashaariic aad u waaweyn ka hor iyo ka dib xoryaddii. Kaabayaasha dhaqaale oo qayb lixaad leh ka qaadanayay horumarka beeraha ayay ka qayb qaateen dhisidda mashaariicdaan. Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayay mashaariicda ugu badan ka hirgaleen. 10 biyo-xireen iyo 1 biyo-qabad ayaa laga hirgeliyay gobolladan. 10-ka biyo- xireen magacyadooda waxa kamid ah: Saabuuni, Falkeerow, Faanoole. Balcad, Janaale, Mashalaay, Qoryooley, Kunturwaarrey, Sablaale, Haaway iyo faanoole.

Mashaaricda Biyo-xireenka
Mashaariicda Beeraha

Mashaaricdii keydka biyaha iyo Biyo-xireenka

Mashruucii keydka biyaha Jowhar: mashruucan oo looga gol lahaa in lagu kala dhimmo biyaha aadka u badan ee webiga Shabeelle ayaa laga hirgeliyay magaalada Jowhar. Iyada oo ay iska kaashteen dowladda Sucuudiga iyo shirkad Shiinays ah 1980s. Biyo-xireenka Balcad: biyo-xireenkan waxa laga dhisay 1987 degmada Balcad iyada oo ay maalgelisay dowladda Korea; isla markaasna ku deeqday caawiyayaal farsamoyaqaanna ah. Biyo- xireenkan waxa uu waraabin karaa dhul ka badan 10,000 ha, gaar ahaan beeralayda suufka soosaarta. Biyo-xireenka Haawaay: waxaa dhisay dowladdii Talyaaniga 1926, degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose si uu biya u gaarsiiyo tuulooyinka deriska la ah. Biyo-xireenku waxa uu awood u lahaa in uu daboolo baahida biyaha dhul la eg 3,000ha. Biyo-xireenka Janaale: waxaa isna la dhisay 1927, si uu biyaha u gaarsiiyo xaafadaha Janaale. Biyo- xireenku waxa uu leeyahay albaabo laga maamulo socodka biyaha. Waxa loogu talagalay in lagu waraabiyo dhul dhan 67,440ha. Waa biyo-xireenka ugu weyn gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uu ka koobanyahay kanaalo muhiim ah, oo kala ah; Primario, Primo Secondario, Asyle iyo Dhame Yaasiin. Sidoo kale, keydad biyo oo kale ayaa ku xirnan biyo xireenka.Biyo-xireenka Qoryooley: waxaa la ebyay sannadkii 1955, degmada Qoryooley gobolka Shabeellaha Hoose si uu u maamulo biyaha webiga; isla jeerkaasna gaarsiiyo kanaallada Farxaani iyo Liibaan. Biyo-xireenku waxa uu lahaa awood ah in uu waraabiyo 4,120 ha oo dhul ah. Biyo-xireenka Falkeerow: oo la dhisay 1955 dowladdii Talyaaniga xaafadda Falkeerow ee gobolka Shabeellaha Hoose, si uu biya u siiyo kanaallada Furuqlaay iyo Bakooro. 26,800 ha dhul ah ayuu waraabin karay biyo-xireenku. Biyo-xireenka Kunturwaarreey: waxaa dhistay dowladda Soomaaliya 1986, si uu biya dheeraad ah u gaarsiiyo kanaalka Primo Secondario. Biyo- xireenkani ma shaqayn iyada oo loo aanaynayo sida qaldan ee loo nashqadeeyay. Waxaana loogu tala galay in lagu waraabiyo 27,000ha oo dhul ah.Biyo-xireenka Sablaale: waxaa la dhisay 1987 dowladdii Soomaaliyeed ayaana dhismihiisa iska lahayd. 940 ha oo dhul ah ayaa loogu tala galay in uu waraabiyo biyo-xireenku.

Mashaariicda beeraha ee loogu talaglay in lagu horumariyo wax soosaarka beeraha intaan kuma koobnayn, mashruucii Faanoole waxa uu ku jiraa kuwa ugu muhiimsanaa mashaariicdaas dhaqaala waddanka iyo wax soosaarka gudeedba. Faanoole waxaa kale oo barbar socday mashaariic kale, sida mashruucii wershaddii sokorta Mareerey iyo mashruucii bariiska Mogambo. Dhismaha mashruuca Faanoole waxa ay socotay sannadihii 1977-1982. Dowladda Shiinaha ayaa ka caawinaysay dhisidda mashruuca Faanoole dowladda Soomaaliya. Biyo- xireenkaan ujeedooyinka loo dhisayay waxa qayb ka ahaa in lagu waraabiyo beeraha sisinta iyo bariiska ee dowladdu leedahay. Sidoo kale, waxaa looga dan lahaa in uu tamar koronto siiyo magaalooyinka Jilib, Mareerey ilaa Jamaame. 1,800 ha oo bariis lagu tacbayo ayaa lagu waraabinayay iyo 700 ha oo sisin ah. Ka hor dagaalki sukeeye, mashruucan waxaa la filayay in uu wax badan ka taro gobollada Gedo iyo Jubbada Dhexe. Burbur xun ayaase gaaray dagaalkii kolkii uu qarxay.

Mashruuca sokorta Mareerey waxa uu billowday 1976 waxa 1982diina uuna wax soosaar billaabay 1980. qorshihii waa is-dhamaystiray. Dhismahiisana waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya, Abu Dabi Fund, Sacuudi Fund iyo OPEC. Waxaana maamulkiisa lahaa Booker Agriculture International Ltd. 4,000 shaqaale wax ku dhow ayaa ka howl gelayay guud ahaan mashruuca oo Soomaali ah, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka terayay koritaanka dhaqaalaha waddanka iyo wax Soosaarkaba.

 Mashruuca sokorta Mareerey

Mashruucii bariiska ee Moganbo waxaa la horumariyay intii u dhexeysay 1982-86, si uu u daboolo 2,052 ha oo dhul bariis (paddy rice) iyo 163 ha oo waraabka firdhinta ah looguna talagalay tacabka suufka (Sir McDonald & Partenrs Ltd. 1982). Dhanka kala, waxaa la hirgeliyay xarumo lagu dhalanrogo dalagyada qaar, laguna soo saaro abuurro tayo leh. Sidoo kalena loo helo abuur iska caabbin kara cudurrada iyo cayayaanka. Seddex xarumood ayaa ugu waaweynaa xarumaha cilmibaariseed ee la hirgeliyay kolkii xoryadda la qaata gadaasheed: CARS (Afgooye), Bonka (Baay) iyo Albuuri (Waqooyi Galbeed). Waxaa iyana jiray xarumo loogu talagalay in ay abuurka fidiyaan, oo beralayda gaarsiiyaan. Sidoo kale siiyaan tababarro horumarin tacab ah (Masterpan for Jubba Valley   development, 1990). Dhanka kale, CARS waxa la aasaasay 1964 waxa ayna ahayd xarun lagu horumariyo dalagyada ay galleydu ka mid tahay, waxa ayna soo saartay xaruntan nooca galleyda ee SOMTEX ah, sidoo kale wax qabad weyn ayay ku lahayd xagga horumarinta abuurka waddanka. Bonka waxa la aasaasay 1954, waxaana laga dhisay gabolka Baay, ujeedkeeduna wuxuu ahaa, in lagu horumariyo dalagyada aaggaa caanka ka ah. Waxa ay haysay soosaarista nooc cusub oo salbukada ah (mung bean), oo ay soo saartay. Xarumaha cilmi barista iyo kuwa fidinta abuurka waxa ay dhammaantood hoostegayeen wasaaradda beeraha. Waxaa sidoo kale jiray shirkado qayb ka ahaa tacabka, sida: kuwa sumaha cayayaanka, kuwa makiinadaha beeraha lagu falo, kuwa qaabbilsan dhoofinta waxsoosaarka beeraha I.K.M.

macluumadkan waxa ka soo xiganay illo kala duwan waxa kamid ah The Shaping of Somali Society Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900 iyo sooyalka beeraha. Sii Daalaco: https://wax-soosaar.com/waa-maxay-xariirka-ka-dhaxeyo-warshadaha-beeraha/

One thought on “Sooyalka beeraha soomaaliya

Comments are closed.