Maxa ka baran karna sooyaalkii warshadahi hore soomaaliya
Kacaankii Warshadaha somaliya waa xili lagu tilmaamo horumarka warshadeed ee dalka Soomaray waa xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee u dhexaysay 1970-1991. Xilligaas, dowladda Soomaaliya waxay ku dadaashay inay horumariso warshadaha dalka iyadoo adeegsanaysa qalabka u danbeye iyo mashiinada markaas jiray
Xukumadii kacaanka waxay ku dadaashay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqaalaha. Sidoo kale, waxay dowladdu waxay xooga saartay warshadaha nolol maalmeedka ah sida looga maarmo soodhoofinta walaxaha yaryar. Dowladda ayaa sameysay qorshe horumarineed oo lagu ballaariyey warshadaha, iyadoo loo adeegsanayey deeqooyin iyo maal-galin shisheeye. Markii dowlada la wareegtay warshadaha waxay horumarisay warshadaha muhiimka u ah wax-soosaarid, muddo kooban ayaa soomaaliya laga yegleelay warshado tiro-badan oo wax-soosaar heer saro leh.
Side Loo Horumariye Warshadaha Dalka Lahaa Burburkii Ka Hor
Dowladdi kacaanka si warshadaha loo horumariyo waxay qaaday talaaboyin aad u wanagsan bulshada soo dhaweysay Talaaboyingaas waxa kamid ah.
- Xoojinta maamulka dowladeed iyo amniga. Xukumadii kacaanka ayaa abuurtay siyaasad ku dhisan kalsooni iyo amni deggan ee ku soo-jiiteen shacabka iyo ajaanibta si u hesho dowladda Maalgashiyaashi calami ah, dowladii markii xasilooni ku soo daabushay dalka, dowlada waxay dardargalisay warshadahi tirade badneed dalka Soomaray.
- dowladdi waxay Horumarisay adeegyada aasaasiga waxa kamid ahaay adeegyadii gaadiidka iyo tamarta si loogu fududeeyo shirkadaha inay shaqeeyaan. Tani waxay ka mid aheed maalgashiga waddooyinka, dekedda, diyaaradaha iyo nidaamka abuurista iyo faafinta warshadaha.
- waxay Horumarisay aqoonta shaqaalaha kacaankii warshadaha waxay soosaareen Shaqaale leh aqoon waxay xooga saareen tababarka taaso u araktay mid lagu gaari karo isku filnaasho horumarneed warshadah, dhanka kale Dowladdu waxii diirada saari jirtay dugsiyada farsamada gacanta iyadow la imaa jirtay barnaamijyo waxbarasho iyo tababar si loogu horumariyo aqoonta iyo ogaanshaha muhiimka u ah warshadaha wax sosaarka dalka.
- kacdoonkii warshadaha waxay dhiirigelin u samasay iskaashatada iyo muruq maalada marki dalkii warshado faro badan ka hirgaleen dowlada waxay yareesay soo dhoofinta wax yaabaha dalka laga heli karay si loo dhiirigaliyo warshadleyda.
- dowladii waxay iskaashi la sameysatay gobolka iyo caalamka waxay ka faa’iideysatay suuqyada wadamadi saaxibada dhaw ahaayeen sida talyaniga, ruushka, kenya, jabuuti iyo dalal kale. wasarada warshadaha waxay heshiis ganacsi la gashay Dowladdaha kor ku xusnay iyo dowladdo kale.
WARSHADAHI HORE SOOMAALIYA [1960-1991]
kacdoonkii warshadaha somaliya si dardar aan kala joogsi laheyn waxuu bilowday sanadkii 1970s ee markii dowladdii diirada saartay inee hesho ilo dhaqaale kala duwan, iyada oo loo marayo marxalado kala duwan oo ah horumarinta warshadaha. Warshadaha waxay noqdeen koob bulshada iyo dowladda ka faa’iday, bulsho badan ayaa ka heleen shaqo, dowladdii kacaanka dhaqaalahaydii kobac wanagsan ayuu sameye.
Marxaladdii ugu horreysay ee warshadaha waxay ahayd marxalad la yiraahdo “Warshadaha Kowaad”, taasoo lagu abuurayo alaabada qalabka warshadaha iyo warshadaha biyaha. Marxaladda labaad ee warshadaha, oo la yiraahdo “Warshadaha Labaad”, waxay ahayd marxalad lagu abuurayo alaabada qalabka guryaha iyo qalabka noolal maalmeedka.
Dhaqaalaha dalka ahi wuxuu si weyn u horumariyey warshadaha, iyada oo loo marayo isticmaalka qalab wanagsan ah iyo habab soo saar oo cusub, iyada oo la isticmaalo nidaamyo iyo habab maaraynta warshadaha. Dhaqaalaha dalka wuxuu sidoo kale ka faa’iiday isbedelada kacdoonkii warshadaha dunida ee lagu sameeyey qalabka iyo nidaamka, iyada oo la adeegsanayo warshadahii markaas u danbeeye oo jiray. wadanka Soomaaliya inkastuu ka mid yahay dalalka ee soo koraye, ka hor burburkii dowladii hore ee kacaanka wadanku wuxuu lahaa warshado badan oo waxsoosaara lahaay laakiin la bililiqeeystay ama burburey wakhtigii dagaalada. Sidaas ay tahay maanta majiraan wax kashaqeyo kuwii la dhisay 1991 ka hor nasiib wanaag tomankii sano u danbeesay dalka si aan xooli aheen waxa ku soo badanaye warshaddo yaryar oo cusub gaarka loo leeyahay.
Wax Ka Ogow Inta Warshadood Oo Dalka Somaaliya Lahaa Burburkii Ka Hor
No | magacyada Warshadaha | goobaha/locations |
---|---|---|
1 | Warshadda Sonkorta SNAI | Jowahar |
2 | Warshadda Sonkorta Mareeray | Jubba |
3 | Warshadda Caanaha | muqdisho |
4 | Warshadda Dharka iyo Suufka | Balcad |
5 | Warshadda Hilibka | Kismaayo |
6 | Warshadda Sigaarka iyo Taraqa | muqdisho |
7 | Warshadda Maacuunta | muqdisho |
8 | Warshadda Sibirka Ama Shamentada | Berbera |
9 | Warshadda Safaynta Batroolka | Xamar |
10 | Warshadda Rinjiga iyo Qasaca | xamar |
11 | Warshadda Bacrinta | Muqdisho |
12 | Warshadda Birta Shubka | Xamar |
13 | Warshadda Saliidda | Muqdisho |
14 | Warshadda Daawada | Muqdisho |
15 | Warshadda Hargaha iyo Kabaha | Xamar |
16 | Wershedda Cusbada | Xaafuun |
17 | Warshadda Hargaha | Kismaayo |
18 | Warshadda Hargaha | Hargeysa |
19 | Warshadda Hargaha | Burco |
20 | Warshadda Gympsuimka | Berbera |
21 | Warshadda Eterniga | Berbera |
22 | Warshadda Kalluunka Laas Qoray | Sanaag |
23 | Warshadda Kalluunka iyo Xabo | Qandala |
24 | Warshadda Qaboojiyaha | Berbera |
25 | Warshadda Badarka | Hargeysa |
26 | Warshadda Badarka | Baydhabo |
27 | Warshadda Burka iyo Baastada | Muqdisho |
28 | Warshadda Badarka | Burco |
29 | Warshadda Labanka | Afgooye |
30 | Warshadda Badarka | Muqdisho |
31 | Warshadda Hubbka Iyo Rasaasta | Mahaday |
32 | Warshadda Khudaarta ITOP | Afgooye |
33 | Warshadda Badarka | Kismaayo |
34 | Wakaaladda Madbacadda Qaranka | Xamar |
35 | Warshadda Caagga iyo Kartoonka INKAS | Jamaame |
36 | Wakaaladda Xoogga Korontada Umadda | Muqdisho |
Waa Maxay Xariirka Ka Dhaxeyo Warshadaha Iyo Dhaqaalaha
Warshadaha iyo Dhaqaalaha waa laba arrimood oo kala duwan oo muhiim u ah dhaqaalaha dal ama bulsho.
Warshadaha waa habka lagu dhisto, lagu sameeyo ama lagu iibiya adeegyada iyo alaabada ay u baahan yihiin bulshada. Warshaduhu waxay ka shaqeeyaan in ay soo saaraan waxyaabaha bulshada u baahan, waxayna ku tiirsan yihiin dhaqaalaha si ay u iibiyaan waxyaabaha ay soo saareen.
Warshaduhu waa illo dhaqaale oo muhiim ah. Wadanka warshado badan leh dhaqaalihiisu wuu sareeysaa, sababtoo ah dadkiisa inta badan weey shaqeeyaan dhaqaale fiicana helaan. Taasi waxay keentaa in Dawladda wadanku hesho canshuur badan oo dhaqaaleheeda aad u dhista.
Dhaqaaluhu waa habka uu u shaqeeyo ee bulshada ay ku maareeyaan dakhligooda iyo khayraadkooda. Dhaqaaluhu wuxuu ka kooban yahay suuqyada iyo hababka ay bulshadu u isticmaasho lacagta si ay u maareeyaan baahiyaha iyo rabitaanka ay u qabaan adeegyada iyo alaabada.
Xariirka ka dhaxeeya warshadaha iyo dhaqaalaha waa mid labada dhinacba ku tiirsan yihiin. Warshaduhu waxay u baahan yihiin dhaqaalaha si ay ugu iibiyaan waxyaabaha ay soo saareen, halka dhaqaaluhu uu u baahan yahay warshadaha si uu u helo alaabada iyo adeegyada loo baahan yahay.
Sidaa daraadeed, xariirka ka dhaxeeya warshadaha iyo dhaqaalaha waa mid muhiim u ah horumarka iyo horuminta dhaqaalaha guud ee dal ama bulsho, iyada oo labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan in ay wax soo saaraan oo ay iibiyaan si loo ilaaliyo dhaqaalaha iyo warshadaha.
Sii Daalaco Q1aad WAX KA OGOW TAARIIKHDA WARSHADAHA SOOMAALIYA: https://wax-soosaar.com/wax-ka-ogow-taariikhda-warshadaha-somaliya/